Shirweynaha beelaha Galmudug oo ka soconaya Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaa waxaa uu si habsami leh uga soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Shirweynaha oo maalintii labaad ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goobta uu ka soconayo ku sugan ergooyin beelaha ku metelaya shirweynahaasi.

Wararka ayaa sheegaya in shirweynaha looga hadlayo arrimaha dib u heshiisiinta beelaha iyo sidii Galmudug loogu dhisi lahaa maamul ay dadka ku mideysan yihiin.

Wariye-yaasha ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in shirweynaha ka socdo Xarunta Gobolka Galgaduud lagu xalin doono khilaafaadka beelaha iyo siyaasiyiinta Galmudug qaarkood u dhaxeeya.

Shirweynahan ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay in la isugu soo dhaweeyo beelaha degga Galmudug, ka hor inta aan la qaban Doorashooyinka Madaxtooyada & Baarlamaanka Galmudug.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shirweynaha la soo geba-gabeenayo bartamaha bishan, waxaana soo xiri doono Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku joogga Magaalada Baydhabo.











Faallooyin