Beesha Caalamka oo war ka soo saartay dib u heshiisiinta beelaha Galmudug

Beesha Caalamka ayaa war ka soo saartay shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug uga soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Shirweynahan ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay in la isugu soo dhaweeyo beelaha degga Galmudug, ka hor inta aan la qaban Doorashooyinka Madaxtooyada & Baarlamaanka Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa warka ku sheegtay inay bogaadineyso dadaalada lagu doonayo in dib loogu heshiisiiyo beelaha, si ay dadka deegaanka u dhistaan Maamul Goboleed ay ku mideysan yihiin.

Sidoo kale warka ayaa lagu dhiira-geliyay dadaalada Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Galmudug iyo hoggaanka bulshada, si ay isugu keenaan dhammaanba bulshada reer Galmudug.

“Waxaan soo dhaweyneynaa ballanqaadka ay muujiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso geeddi-socodka dib u heshiisiin loo dhan yahay oo aan bogaadino dadaalada Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Dowlad Goboleedka Galmudug iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, si ay u isugu keenaan dhammaan bulshooyinka." Ayaa lagu yiri warka.

Warkan ayaa waxaa si wadajira u soo wada saaray Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Mareykanka, Jarmalka, Talyaaniga, Sweden iyo Denmark.

Faallooyin