Taliyaha qaybta 21aad ee Xoogga Dalka oo gaaray Beledweyne (SAWIRRO)

Taliyaha qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, C/casiis Cabdullaahi Qooje iyo Saraakiil uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Taliyaha oo ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagey Magaalada Beledweyne, isagoona u tagey arrimo ku aadan howlgalada Shabaabka looga saarayo deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa la kulmay Saraakiisha uu horkacayo C/casiis Cabdullaahi Qooje, Taliyaha qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayen gulufka ballaaran, ee la doonayo in Ururka Al Shabaab looga saaro deegaanada ay ka jooggan Hirshabelle.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya ka wada guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.






Faallooyin