Wasiir Beyle oo kulan la leh kooxda wada hadalka ee dayn cafinta Somaliya

C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Somaliya ayaa waxaa uu kulan la leeyahay kooxda wada hadalka dayn cafinta u qaabilsan Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), kuwaa oo ay ka wada hadlayaan wajiga afaraad ee Barnaamijka daynta cafinta Soomaaliy (SMP4).

Wasiirka ayaa kooxdan kulanka kula leh Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya. Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedada kulanka ayaa ah in si gaar looga wada hadlo wixii Wasaaradda Maaliyadda Soaliya ay ka qabatay saddaxdii bilood ee la soo dhaafay shuruudaha ku xiran wada hadalka dayn cafinta wajiga afaraad.

Sidoo kale waxaa wada hadalka dhanka xukuumadda Somaliya ka qaybgalaya Wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliya.

Dowladda Somaliya ayaa rajeynaysa in Somaliya laga cafiyo daynta lagu leeyahay.

Faallooyin