General Indha-qarshe oo sheegay inay la wareegeen marinadii Shabaabka uga soo gudbi jireen Muqdisho

Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka ee Khamiistii xil ka qaadista lagu sameeyay ayaa waxaa uu ka hadlay howlgalada ay Ciidanka Xoogga Dalka bishan ka fuliyeen qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.

General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa ka dhawaajiyay in Ciidanka Xoogga Dalka ay maleeshiyada Al Shabaab ka sifeeyeen deegaano ay horey uga jooggeen Gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxdo ula wareegeen afar marin oo ku yaala Gobolka Shabellaha Hoose, isla-markaana ay maleeshiyada Shabaabku ka soo qaadi jireen weerarada ay ku dhibaateynayaan shacabka reer Muqdisho.

General Daahir Aadan Cilmi oo la hadlay VOA ayaa xusay in marinada la wareegeen ay yihiin, kuwii ay maleeshiyada Al Shabaab uga soo gudbi jireen Magaalada Muqdisho.

Mar uu ka hadlayay awoodda Ciidanka Xoogga Dalka ayuu ka dhawaajiyay in awoodda ciidamada ay korortay, isla-markaana ay ku guuleysteen inay Shabaabka ka saaraan dhul ay muddo dheer ka arriminayeen.

Fashilka Al Shabaab ay kala kulmeen weerarkii 14-kii bishan ay ku qaadeen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee Degmada Awdheegle, ayuu sheegay inay tusaale fiican u tahay kororka awoodda ciidamada.

General Indha-qarshe oo xilka ka degaaya maalmaha soo socda ayaa dhanka kale waxaa uu ammaanay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Faallooyin