Axmed Madoobe oo la kulmay musharaxiintii la tartantay (SAWIRRO)

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu maanta la kulmay musharaxiintii tartanka la gashay maalintii Khamiista.

Madaxweynaha Jubbaland oo musharaxiinta ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa uu ka dhageystay aragtidooda ku aadan wixii feker ah, ee ay ku biirinayan, sidii Jubbaland horey loogu dhaqaajin lahaa.

Musharaxiinta ayaa ka jawaabay martiqaad uu u sameeyay Madaxweynaha Jubbaland, si ay uga wada hadlaan arrimaha Jubbaland, ka dib doorashadii marka labaad lagu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Isla Khamiistii ayaa waxaa Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Maalintii Jimcaha ayaa waxaa sidoo kale Magaalada Kismaayo lagu doortay C/naasir Seeraar Maax.

Dowladda Somaliya ayaa sheegaysa inay aqoonsan doonto oo keliya, marka doorasho loo dhan yahay ay ka dhacdo Xarunta KMG Jubbaland ee Kismaayo.

 




Faallooyin