Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Isgoyska KM4

Allaha u naxariistee Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin) ayaa maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada oo uu la socday marxuumka, waxaana uu qaraxu dhacay, xilli uu gaariga maraayay nawaaxiga Isgoyska KM4.

Goobjooge-yaal ayaa sheegay in qaraxa uu burbur xoogan soo gaarsiiyay gaariga, goobtana laga qaaday Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud oo garaab ah, daqiiqado ka dibna uu u geeriyooday dhaawacii qaraxaasi ka soo gaaray.

Ciidamada Booliska oo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay ayaa xiray wadada, waxayna ka bilaabeen baaritaan qaraxaasi ku aadan.

Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin) ayaa ahaa Xoghayihii Maamulka Gobolka Banaadir, xilliyadii ay hoggaaminayeen Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Qaraxan mid kale oo ka horeeyay ayaa maanta gaari ciidan waxaa lagula beegsaday Carwadii hore ee Taleex ee Degmada Hodan, waxaana ku dhaawacmay laba qof.

Faallooyin