Gaari ciidan oo qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala bartilmaameydsaday mid ka mid ah gawaarida Ciidamada Dowladda Somaliya.

Gaarigan ayaa waxaa qaraxa uu ku haleelay agagaarka Carwadii hore ee Degmada Hodan, waxaana uu xilligii uu qaraxu dhacaayay gaariga saarnaa Agaasimaha Isbitaalka Xoogga Dalka, Khadiijo Iimaan Caynte.

Wararka ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen darawalkii gaariga waday iyo Marwo Khadiijo Iimaan Caynte, oo dhaawacyadooda loo qaaday goobaha caafimaadka.

Ururka Al Shabaab ayaa goor dhow sheegtay masuuliyadda qaraxa lagu dhaawacay Agaasimaha Isbitaalka Xoogga.




Faallooyin