Gudoomiye Kuxigeenada Baarlamaanka Jubbaland oo gacantaag lagu doortay

Waxaa goor dhow Magaalada Kismaayo ee Gobolada Jubbada Hoose lagu doortay Gudoomiye Kuxigeenada 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Jubbaland.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ayaa waxaa loo doortay Aadan Khaliif Xaaji oo lagu doortay cod gacantaag ah, waxaana uu helay 72 cod, mana jirin cid la tartameysay.

Cabdi Baaley Xuseen ayaa waxaa isna loo doortay inuu noqdo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Jubbaland, isagoona lagu doortay gacantaag, waxaana uu helay 73 cod.

Cabdi Baaley Xuseen ayaa helay codadkan, ka dib markii uu tanaasulay musharaxii uu tanaasulay musharaxii la tartami lahaa.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa mar sii horeysay Sheekh Cabdi Maamed C/raxmaan u doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland.

Sheekh Cabdi Maamed C/raxmaan oo horey u ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa markale xilkaasi loo doortay.

Faallooyin