Wasiir Goodax oo bogaadiyay Booliskii Suuqa Bakaaraha ku toogtay 4 ka mid ah Shabaab

C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ayaa waxa uu maanta bogaadiyay Ciidanka Booliska, oo Jimcihii Suuqa Bakaaraha ku toogtay afar ka mid ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Raggan ayaa waxaa la sheegay inay doonayeen inay toogasho ku dilaan La taliyaha Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Somaliya.

Wasiirka Waxbarashada oo u riyaaqay sida Ciidanka Booliska ay kaga hortaggeen dhagartii ay raggaasi maleygayeen ayaa ku bogaadiyay feejignaanta ay muujiyeen.

"Waxaan bogaadinayaa uguna hambalyeynayaa Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmada Howlwadaag feejignaanta iyo dhiifoonaanta ay dhagarqabayaasha uga hortageen in ay dhibaato u geystaan La taliyaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Arrimaha Dhulka & Hantida Maguurtada." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Goodax ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in tani ay tahay guul ay wada gaareen dhammaanba Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Faallooyin