Ciidanka Dowladda oo wada abaabul ay dib ugu qabsanayaan deegaanka Deynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan deegaanka Deynuunaay, oo 26km u jirta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ayaa saakay weerar gaadmo ah ku soo qaaday deegaanka Deynuunaay, iyadoona ay u suurtagashay in ay dagaal ku qabsadaan deegaankaasi.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in uu socdo diyaargarow lagu doonayo in lagu weeraro maleeshiyada Shabaabka ee ku sugan Deynuunaay.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Baay ayaa laga soo xigtay in saacadaha soo socda ay Ciidanka Xoogga Dalka guluf ballaaran ku qaadi doonaan Shabaabka joogga Deynuunaay, haddii aanay isaga bixin.

Shabaabka ayaa dhawrkii biloodba mar soo weerara Deynuunaay, iyagoona ciidanka kala wareega gacan ku haynteeda.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu dhaliilay inaanay waxba ka baran weerarada Deynuunaay.

Faallooyin