Guddiga shirweynaha beelaha Galmudug oo kormeeray goobta lagu qabanayo shirweynaha (SAWIRRO)

Guddiga qaban-qaabada shirweynaha dib u hesiisiinta beelaha Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii kormeeray Xarunta lagu wado in lagu qabto gogosha lagu heshiisiinayo beelaha degga Galmudug.

Xaruntan oo ka kooban dhismooyin qaybo kala duwan isugu jira ayaa waxaa sidoo kale loogu talagalay in la dejiyo ergooyinka la fillayo inay beelaha ku metelaan shirweynahaasi.

Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, C/raxmaan Macalin C/laahi Baadiyow iyo qaar ka mid ah xubnaha guddiga ayaa soo indho indheeyay goobta loogu talagalay in lagu qabto shirweynaha lagu wado in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in la soo geba-gabeeyay diyaargarowgii loogu jiray in shirweynaha uu ka qabsoomo Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Sida uu qorshuhu ahaa 5-tii bishan ayaa lagu waday in shirweynaha uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb, inkastoo uu dib u dhac ku yimid.









Faallooyin