Beesha Caalamka oo ku baaqday in hannaan keliya loo maro Doorashada Madaxtinimada Jubbaland

Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Igad ayaa waxay war saxaafadeed ka soo saareen khilaafka ka taagan Doorashada Madaxtinimada ee Jubbaland.

Wakiilada ayaa ka digay in xasilooni-darro ay soo wajahdo Jubbaland, haddii aan xal loo helin dhinacyada isu haya Doorashada Jubbaland.

"Wakiilada ka socda Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay waxa ay xoojinayaan baahida loo qabo hab doorasho oo la isku raacsan yahay, taasoo waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo kan Federaalka." Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Waxa kaloo lagu sheegay “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada Jubbaland inay ka fogaadaan wixii amni darro keeni kara iyo weliba cabsi gelin, ayna khilaafkooda ku xaliyaan si nabadgalyo ah."

Wakiiladan oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ayaa kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Walaaca Beesha Caalamka waxa uu ku soo aadayaa, xlli 19-ka bishan lagu wado in Magaalada Kismaayo lagu doorto Madaxweynaha Jubbaland, iyadoona mucaaradka ay dhici karto in ay doortaan hoggaan kale.

Faallooyin