Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo sheegay in Shabaab hub looga furtay dagaalkii Awdheegle

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa wuxuu goor dhow ka hadlay weerarkii Ururka Al Shabaab ay maanta ku qaadeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ibraaahim Aadan Cali (Najax) ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi ay fashiliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, ka dib markii ay si adag ula dagaalameen maleeshiyadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday.

Gudoomiyaha ayaa yiri "Weerar fashilmay oo khawaariijta Al Shabaab ku soo qaadeen Degmada Awdheegle ayay Ciidamada Xoogga Dalka guulo waaweyn ka gaareen, iyadoo hub badan Shabaab looga furtay dagaalka."

Waxa sidoo kale uu yiri "Waxaan u mahadcelinayaa Ciidamadeena Xoogga Dalka oo har iyo habeen u taagan daafaca dalka, dadka iyo diintooda. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa shacabka iyo Maamulka Degmada Awdheegle oo garab taagan ciidamada."

Gudoomiye Najax ayaa intaa ku daray "Awdheegle waxay ku jirtaa, kuna jiri doontaa gacanta shacabka iyo dowladooda, Insha'Allah."

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Arbacadii hore (7dii bishan) la wareegay gacan ku haynta Degmada Awdheegle, oo in muddo ahba ay ka arriminayeen Shabaabka.

Faallooyin