Wariye Gacal Cabdulle Gacal oo ku dhintay weerarkiii Degmada Awdheegle

Allaha u naxariistee Wariye Gacal Cabdulle Gacal oo ka mid ah Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho ka hawlgala ayaa maanta ku dhintay weerarkii ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaabka ayaa weerar ismiidaamin ku bilowday ku qaaday saldhigga Ciidamada Dowladda Somaliya ku leeyihiin Degmada Awdheegle, waxaana xigay dagaal toos ahaa oo labada dhinac halkaasi ku dhex maray

Wariye Gacal Cabdulle Gacal ayaa ahaa Wariye ka tirsan Idaacadda afka Ciidanka Xoogga Dalka ku hadasha ee SNA, iyadoona uu sidoo kale ahaa sawir-qaade soo tebin jiray muuqaalada Ciidanka Xoogga Dalka.

Wariyaha oo tan iyo Arbacadii hore ku sugnaa Degmada Awdheegle ayaa si toos ah u soo tebin jiray wararka ku aadan Ciidanka Xoogga Dalka iyo la wareegistoodii Awdheegle.

Saraakiisha Xoogga Dalka ayaan weli ka hadlin dagaalka maanta ka dhacay Awdheegle, balse Shabaabka oo ka hadlay waxay sheegeen inay ku dileen 10 ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka.

Faallooyin