Ismiidaamin iyo dagaal toos oo lagu qaaday Ciidamada Dowladda ee la wareegay Degmada Awdheegle

Weerar ku bilowday ismiidaamin uuna daba socday dagaal toos ah ayaa waxaa maanta lagu qaaday Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Nin la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa beegsaday saldhigga Ciidamada Dowladda Somaliya ay ku leeyihiin Degmada Awdheegle, oo toddobaadkii hore ay kala wareegeen Ururka Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in daqiiqado ka dib uu halkaasi ka bilowday dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Somaliya iyo maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya isgaarsiinta oo mid aad u ciriiri ah inay adag tahay in faah faahin dheeri ah laga helo ismiidaaminta iyo dagaalka lagu qaaday Degmada Awdheegle.

Al Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa waxay sheegtay inay ku dishay 10 ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka, balse arrintan wax faah faahin ah kama aanay bixin Saraakiisha Xoogga Dalka.


Faallooyin