Taliska Amisom oo ku dhawaaqay inay qaadayaan duulaan ku wajahan deegaanada Al Shabaab

Madaxda Ciidamada Amisom ayaa waxay iclaamiyeen dagaal maleeshiyada Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Francisco Caetano Madeira, Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidanka  Nabad Ilaalinta Amisom ayaa ku dhawaaqay in Ciidamada Amisom iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay dhawaan duulaan ku yihiin dhulka uu Shabaabku ka arrimiyo.

Wakiilka ayaa iftiimiyay inay Shabaabka ka nadiifin doonaan wadooyinka ay sahayda u maraan ciidamada, sidoo kalena ay ka qabsan doonaan deegaanada ay dadka rayidka ahi ku nool yihiin.

Wakiilka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika si wadajira u wajihi doonaan deegaanada uu gacanta ku hayo Ururka Al Shabaab.

Wakiilka ayaa qoraalkan ku sheegay in labada ciidan uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, isla-markaana ay diyaar u yihiin in Ururka Al Shabaab ka saaraan goobaha uu maamulo.

Francisco Caetano Madeira ayaa hadalkan ku soo beegay, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka ay gobolada qaarkood ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inay ugu dhaqaaqaan deegaanada uu Shabaabku ku sugan yahay.

Faallooyin