Ciidanka Xoogga Dalka oo diyaargarow ugu jira howlgal ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab

Taliska Xoogga Dalka ayaa waxa uu wada abaabul ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab, iyadoo uu qorshuhu yahay in laga saaro dhulka ay ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Saraakiisha Xoogga Dalka ayaa waxay magaalooyinka waaweyn ee dalka ka wadaan qorshaha ay ku doonayaan inay Shabaab kaga saaraan dalka, isla-markaana ay ku soo celiyayan gacanta dowladda.

Laga soo bilaabo Gobolka Gedo illaa Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka soconaya diyaargarowga loogu jiro in dhulka Shabaabka lagu qaado howlgalo ballaaran.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin in maleeshiyada A Shabaab ay ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay xilligan howlgalo ka wadaan qaybo ka mid Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo toddobaadkii hore ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Awdheegle.

Faallooyin