Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo maanta Kismaayo lagu dhaariyay (SAWIRRO)

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa maanta lagu dhaariyay munaasabad lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu dhaariyay 73 ka mid ah 75-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Labaad ee Jubbaland.

Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddiga Doorashada Jubbaland, Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan iyo Odayaasha Dhaqanka qaarkood.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland ayaa dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.







Faallooyin