Guddiga Doorashada Jubbaland oo kordhiyay mudada ay musharaxiinta isku diiwaangelinayaan

Guddiga Doorashada Madaxtinimada Jubbaland ayaa waxay kordhiyeen mudada ay isu soo diiwaangelinayaan musharaxiinta, ka dib codsi ay sheegeen kaga yimid muwaadiniin badan oo doonaaya in tartanka doorashada ka qayb qaataan.

Guddiga ayaa warqad ay maanta soo saareen ku sheegay in is diiwaangelintu bilaaban doonto 23-ka bishan, ayna ku egtahay 26-ka bisham.

Guddiga Doorashada Jubbaland oo Khamiistii soo saaray jadwalka is diiwaangelinta ayaa waxay xilligaasi sheegeen in Khamiista bilaabaneyso is diiwaangelinta, ayna ku egtahay Sabtida maanta.


Faallooyin