Madaxweynaha Somaliya oo Madaxweynaha Puntland kala hadlay sii loo sii deyn lahaa xubnaha lagu xiray Boosaaso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni ayaa kala hadlay saddexda nin ee Puntland ku xirtay Magaalada Boosaaso.

Raggan ayaa ka tirsan guddiga dhismaha wadada laga dhisayo Magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax, Gudoomiyaha Amal Bank Boosaaso, Maxamed Faahiye iyo Injineer Maxamuud Maxamed Maalfo.

Wararka ayaa sheegaya in raggan loo xiray lacag dhan boqol iyo konton kun oo lacagta Mareykanka ($150,000), oo Xukuumadda Somaliya ay ugu talagashay dhismaha wadada laga dhisayo Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Somaliya ayaa Madaxweyne Deni u sheegay in Xukuumadda Federaalka Somaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweyne Deni u sheegay sida Dowladda Federaalka kaga xun tahay tallaabada lagu xir xiray saddexda nin ee ka tirsan guddiga dhismaha wadada, isagoona ugu baaqay in si sharuud la'aan ah xoriyadooda loogu soo celiyo

Faallooyin