Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay xoraynta deegaanada ay Al Shabaab joogto (SAWIRRO)

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa maanta kulankoodii Khamiislaha ahaa ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada (Villa Somalia), waxaana shir guddoominaayay Ra'iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka iyo sidii Ururka Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ka arrimiyaan, si gacanta dowladda loo soo geliyo deegaanadaasi.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa Arbacadii qalabkooda u dhameystirtay Guutada 14 October oo loogu magac-daray (Daldhis), kuwaa oo loo diyaariyay inay duulaan ku qaadaan Ururka Al Shabaab.

General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa uu xaqiijiyay in qalabkooda loo dhameystiray ciidankan, oo ku xareysan Xerada General Gordon ee Degmada Hodan.

 







Faallooyin