Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobe (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan.

Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobe oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Shaati-gaduud, iyadoo daqiiqado ka dibna loo geliyay dhinaca Madaxtooyada.

Wariye-yaasha Magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in kulanka looga hadlay arrimaha ammaanka, gargaarka bani'aadanimo iyo horumarinta dhaqaalaha Koonfur Galbeed.

Markii kulanka uu soo xirmay ayaa waxaa Warbaahinta la wada hadlay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya.

James Swan, Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed ay kala shaqayn doonaan, sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed.

 


















Faallooyin