Taliska Booliska: Gawaarida lama dhigan karo wadooyinka halbowlaha ah ee ku yaala Magaalada Muqdisho

Taliska Booliska Somaliya ayaa maanta awaamiir ka soo saaray gawaarida lagu parking gareysto wadooyinka muhiimka u ah isku socodka Magaalada Muqdisho.

General Zakiya Xuseen Axmed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Boliska Somaliya ayaa sheegtay in wadooyinka Gobolka Banaadir laga mamnuucay in la dhigto gawaarida.

“Danta amniga awgeed laga bilaabo maanta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa Gobolka Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking)." Ayay tiri Taliye Kuxigeenka Booliska Somaliya.

Waxay kaloo yiri “Muwadininta Gobolka Banadir waxaa ka codsanaynaa in feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan, Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay hay'adaha amniga la wareegi doonaan."

Bulshada reer Muqdisho ayay ugu baaqday in laamaha ammaanka ku soo wargeliyaan gaarigii ay arkaan in parking ahaan loo dhigtay wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaalada.

"Hadaba muwaadin la shaqey hay'adaha amniga si aan dhammanteen shacabka u wada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga." Ayay tiri Zakiya Xuseen Axmed.

Faallooyin