Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka ka xayuubiyay Wasiirka Maaliyadda

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu maanta xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Maaliyadda Hirshabelle, Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Hirshabelle ayuu xilka kaga xayuubiyay Maxamed Maxamuud Cabdulle, isagoona C/shakuur Abuukar Xasan u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle.

C/shakuur Abuur Xasan ayaa ahaa Agaasimihii Madaxtooyada Hirshabelle. Madaxweynuhu waxaa uu wareegtada ku sheegay in muhiim uu u arkay in is bedel lagu sameeyo nidaamka maaliyadeed ee Hirshabelle.

 

Faallooyin