Khayre: La iskuma haysto in Dhuusamareeb ay tahay magaalo madaxda Galmudug, waxaa la isku heystaa malaga shaqeysiin karaa

Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxa uu sheegay inaanan la isku haysan in Dhuusamareeb ay tahay magaalo madaxda Galmudug, balse la'isku haysto sidii loogu shaqayn lahaa magaaladaasi.

“La iskuma haysto in Dhuusamareeb ay tahay magaalo madaxda Galmudug, waxaa la isku haystaa malaga shaqeysiin karaa, taasaa idinka la idinka rabaa, dad soomaaliyeed oo walaalihiina mustaqbalkooda uu ku xiran yahay idinka sida wax u ogolaatiin,  idinka sida isugu tanaasushiin." Ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha Somaliya.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa shacabka reer Dhuusamareeb ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan dadka ka qaybgelaya shirweynaha dib u heshiisiinta ee beelaha Galmudug degga loogu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb.

“Maadaama aad idinka tihiin dadka fidinaya gogosha, waa in aad dadka soo dhoweysaan, waxaa la rabaa qof walba oo dhib sheegta inaad guryahooda ugu tagtaan, oo degmadooda aad ugu tagtaan oo aad ugu qancisaan tanaasulna u muujisaan." Ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Khayre.

Waxgaradka reer Dhuusamareeb ayaa waxay isku diyaarinayaan martigelinta shirweynaha dib u heshiisiinta loogu samaynayo beelaha Galmudug, xilli Galmudug lagu wado in ay ka qabsoomto doorasho.

Faallooyin