Wariye Gacmadheere oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarkii Hotel Cas Casey ee Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Wariye Maxamed Sahal (Gacmadheere) uu ka mid yahay tiro dad ah oo ku dhintay weerarkii gelinkii dambe ee maanta ay Shabaabku ku qaadeen Hotel Cas Casey.

Wariyaha oo ahaa wakiil wareedkii Warbaahinta SBC ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarkaasi.

Illaa lix ruux oo kale ayaa la ogyahay in ay ku dhinteen weerarkaasi, kuwaa oo isugu jira aqoonyahano, ganacsato iyo dad kale oo ka shaqaynaayay hay'ado NGO ah.

Ganacsade Arbaco Rukun iyo Deeq Ciise Wabi oo toddobaadyo ka hor ka yimid dalka Mareykanka ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaasi.

Dhanka kale Ciidamada Jubbaland ayaa waxay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku soo afjaraan xubnaha Shabaabka ka tirsan, ee weli ka dhex dagaalamaya dhismaha hotelkaasi.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo noociisa ah ay Shabaabku ka fuliyaan gudaha Magaalada Kismaayo.

Faallooyin