R/Wasaare Khayre oo maanta ku laabtay Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb, oo markii horeba ay ka amba baxeen.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo safar dhinaca dhulka ku tagey Magaalada Gaalkacyo ayaa taasi bedelkeed maanta diyaarad ugu soo laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sareeyay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Ra’iisal Wasaare Khayre iyo xubnaha la socdaba ayaa inta ay ku sugan yihiin Dhuusamareeb waxaa ay kulamo kula qaadan doonaan Madaxda Galmudug iyo Odayaasha Dhaqanka, kuwaa oo ay kala hadli doonaan arrimaha doorashada.

Faallooyin