Wasiir Cawad: Ma jiraan dowlado dhexdhexaadin ka dhex wada Somaliya iyo Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa meesha ka saaray in ay jiraan dowlado dhexdhexaadin ka dhex wada dalalka Somaliya iyo Kenya.

"Ma jiraan dowlado dhexdhexaadin ka dhex wada Somaliya iyo Kenya, oo doonaya in xaaladda ay wada hadal ku dhameeyaan." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sidoo kale meesha ka saaray in ay socdaan kulamo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo dowladaha Somaliya iyo Kenya.

Wasiirka oo ka soo muuqday warbaahinta ayaa sidoo kale meesha ka saaray in uu wax iska bedelay mowqifkii Dowladda Federaalka Somaliya ee murunka xuduuda badda.

Wasiir Cawad ayaa ka dhawaajiyay inaanay Dowladda Federaalka Somaliya wax gorgortan ahi ka geli doonin arrinta badda, isla-markaana ay ka dhur-sugayaan go'aan Maxkamadda Cadaaladda Caalamka.

Faallooyin