SAWIRRO: Safiirka cusub Ruushka ee Somaliya oo waraaqaha aqoonsiga ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Ku simaha Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Avv. Hersi Haji Olosow, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Ruushka, Mikhail Golovanov.

Ku simaha Xoghayaha joogtada ayaa urajeeyay Safiirka cusub in uu ku guuleysto howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in uu si dhammeystiran utaageeri doono xoojinta xariirka laba geesoodka ee qotada dheer u dhaxeeya labada dal ee saaxiibada ah si iskaashi dhow dhinacyo badan leh loo sameeyo .

Dhankiisa Safiirka cusub ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono wanaajinta xiriirka SOmaliya iyo dalka Ruushka.

Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa soo gaaraayay safiiro kala duwan oo ka imaanaayay dalalka caalamka, kuwaasi oo dib u furunaayay Safaaradahooda Somaliya.

Faallooyin