Madaxweyne Lafta-gareen oo maanta gaaray Magaalada Marka

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Xudur ayaa maanta gaaray Magaalada Marka.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo diyaarad helicopter ahayd ka raacay Magaalada Xudur, ayaa ku cago dhigtay deegaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Marka.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo Ciidamada guutada 14- October, ay amnigeedu adkeeyeen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa hadda ku sugan Xarunta Maamulka Degmada, waxaana lagu wadaa in uu la kulmo bulshada deegaanka.

Waa markii ugu horeysay uu Madaxweyne Lafta-gareen uu gaaro Magaalada Marka.

Faallooyin