Gudoomiye Mursal iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ciidan kula kulmay Magaalada Xudur (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo maalintii labaad booqasho ku joogga Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxaa la kulmay ciidan tababar loo soo xiray.

Ciidankan oo dhameystay mudadoodii tababarka ayaa waxay hadda sugayaan qalabayn ay u sameeyaan Dowladda Federaalka Somaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in Dowladda Somaliya ay muhiimad gooni ah siin doonto baahiyaha ay qabaan, isla-markaana ay ku dadaali doonto qalabayntooda.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo kulankan ku wehlinaayay Gudoomiye Mursal ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeedba, ay qalabayn u samayn doonaan ciidankaasi, iyagana looga baahan yahay in gobolka intiisa kale ay ka saaraan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Lafta-gareen waxaa uu qirsan yahay in maleeshiyada Shabaabku ay dhibaato ku hayaan shacabka ku dhaqan  deegaanada, ay Shabaabku ka jooggaan Gobolka Bakool.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Wasiirka Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha, Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya iyo Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Faallooyin