Dowladda Somaliya oo beenisay inay ka laabatay mowqifkeeda murunka badda

Dowladda Somaliya ayaa waxay beenisay inay ka laabatay mowqifkeeda ku aadan murunka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya, iyadoo dhinaca kalana la baari doono ciddii warkaasi suuqa soo gelisay.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxay warbaahinta qaybteeda baahisay in Dowladda Federaalka Somaliya ay wax ka bedeshay mowqifkeeda ku aadan murunka badda.

C/nuur Maxamed Axmed, Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Somaliya ayaa shaaca ka qaaday inaanay Dowladda Somaliya ka noqon mowqifkeeda la xiriira kiiska horyaala Maxkamadda ICJ.

"Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka DFS ee qaddiyadda kiiska horyaala Maxkamadda ICJ." Ayuu yiri Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu baaritaan ku samayn doono ciddii ka dambeysay warkan been abuurka ah, waxaana uu yiri "Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa baari doona ilaha wararkan been abuurka ah."

Faallooyin