Cali Maxamed Geedi: Kenya iyo Somaliya cadow isuma noqon karaan

Cali Maxamed Geedi, Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya labada dal ee Somaliya iyo Kenya, kana dhashay murunka xuduud badeedka.

Isagoo la hadlaayay Wakaaladda Wararka Anadolu ayuu sheegay inaysan labada dal cadow isu noqon karin, maadaama ay wadaagaan dano badan.

“Kenya cadow kuma noqon karto Somaliya, sidaas oo kale Somaliyana cadow kuma noqon karto Kenya. Haddii aan wadaagno dano badan, oo ay jirto hal colaad, waa iska caadi  in meel la isla dhigo colaadda keliya, lana garwaaqsado danaha kale ee u dhexeeya." Ayuu yiri Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somaliya.

Geedi ayaa yiri "Waxaa jira dad asalkoodu Soomaali yahay oo degan dalka Kenya iyo qaxooti fara-badan oo Soomaali ah oo ku sugan gudaha Kenya, marka cadow isuma noqon karaan labada dal."

Waxa uu soo hadalqaaday in Kenya iyo Uganda ay isu hayaan lahaanshiyaha Jasiiradda Migingo, hadana uu xiriirkoodu diblomaasiyadeed yahay mid wanaagsan.

Sidaasi darteed labada dal ee Somaliya iyo Kenya ayuu ugu baaqay inay wanaajiyaan xiriirkoodu diblomaasiyadeed.

Faallooyin