Madaxweynaha Jubbaland oo kormeer ku tagey deegaanka Cabdalla Biroole (SAWIRRO)

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa kormeer ku tagey deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland oo la hadlay Ciidanka Daraawiishta ee ka hawlgala Cabdalla Biroole ayaa ku ammaanay sida ay diyaarka ugu yihiin inay la dagaalamaan cadowga.

Axmed Madoobe waxaa uu tilmaamay in amniga ka jira Magaalooyinka Jubbaland ay ku tiirsan yihiin ciidamada kala duwan, ee ku sugan deegaanada fog fog ee magaalooyinka ka baxsan.

Axmed Madoobe ayaana yiri "Marwalba dadka Magaalooyinka jooggaa niyada ayay idinku hayaan sida aad naftiina ugu hurteen."

Madaxweynaha waxaa uu ciidanka kula dardaarmay in ay dardargeliyaan dadaalda ay dalka kaga xoreynayan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinaayay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.

Faallooyin