Saddex qof oo ku dhimatay qarax haleelay gaari rakaab siday oo maraayay duleedka Dhoobley

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacantay qarax xalay fiidkii gaari rakaab siday ku haleelay duleedka deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxan oo ahaa mid wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa la qarxay gaarigii ay rakaabka la socdeen, oo dhammaantood rayid ahaa.

Nuur Biixi, Isku Duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee deegaanka Dhoobley ayaa sheegay gaariga oo ku soo wajahnaa deegaankaasi in wadada uu ku qabsaday qaraxaasi.

Nuux Biixi oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay in dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi ay ahaayeen dad reer miyi.

Waxaa uu ka gaabsaday cidda ka masuulka ahi qaraxaasi, isagoona yiri ""Cid gelisay wadada iyo cid lagu tuhmaayo midna lama sheegi karo."

Faallooyin