IGAD oo taageertay heshiiska Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna

Urur Goboleedka IGAD ayaa si diiran u soo dhaweeyay heshiiskii ay toddobaadkii hore Magaalada Dhuusamareeb ku wada gaareen Dowladda Federaalka Somaliya iyo Ahlu Sunada.

Mahboub Maalim, Xoghayaha guud ee urur goboleedka  IGAD ayaa qoraal uu soo saaray ku soo dhaweeyay tallaabada ay Dowladda Somaliya ku qarameynayso Ciidamada Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

“Waan soo dhaweyneynaa howlaha ka socda dowlad goboleedka Galmudug iyo ku biiristii ciidamada Ahlu Sunna ee ciidamada dowladda Soomaaliya, waana garab taaganahay." Ayuu yiri Xoghayaha.

Xoghayaha oo la hadlaayay shacabka reer Galmudug ayaa ugu yeeray in ay dardargeliyaan dadaalada dib u heshiisiineed.

"Waxaana ugu baaqayaa dadka ku nool deegaanada Galmudug inay halkaasi ka sii wadaan howlaha dib u heshiisiinta ah, si guulo waaweyn loo gaaro.” Ayuu yiri Mahboub Maalim.

Faallooyin