Raiisal Wasaare Khayre oo Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Macalin Maxamuud

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa hoyga Magaalada Dhuusamareeb uu ka degan yahay waxa uu kulan kula qaatay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir & hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud .

Kulanka waxaa goobjoog ahaay Wasiirada Amniga, Boostada Iyo Isgaarsiinta, Xildhibaano ka soo jeeda deeganada Galmudug Iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya.

Ujeedada kulanka ayaa waxaa lagu sheegay inay aheyd sidii loo bilaabi lahaay dib u heshiisiin laga dhex bilaabo Bulshada deeganada Maamulka Galmudug, islamarkaana la isugu diyaariyo qabsoomida doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale la filayaa inuu tago Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf & Wasiiro ka mid ah Xukuumadda iyo Xildhibaano.

Inkastoo xiisad siyaasadeed oo adag ay ka jirto deeganada Maamulka Galmudug, ayaa haddana Siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulkaasi waxa ay isku dayayaan inay xaliyaan Mushkilada Siyaasadeed ee halkaasi ka taagan.

Faallooyin