Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiiradda Canada

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Marwo Lisa Stadelbauer, Safiirka Idman ee Canada u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u rajeeyay Safiiradda cusub ee Canada in ay guul ka gaarto howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in uu taageero dhammaystiran la garab joogo oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka si iskaashi dhow looga yeesho dhinacyada kala duwan. 

Somaliya ayaa sanadihii la so dhaafay waxaa soo laabtay xiriirkii wanaagsanaa ee dalalka caalamka la laheyd taasi oo keentay safiiro dhawr ah inay hadda dalka ku shaqeeyaan.

Faallooyin