Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Waxbarashada Goodax oo Baledweyne u gaaray xiisadii ka dhalatay xil ka qaadistii Dabageed

Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa gaaray Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Waxbarashada Somaliya C.laahi Goodax Barre, xilli wali Magaalada ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan oo wali diidan in xilkaasi laga qaaday.

Wafdiga Wasiirka Waxbarashada Somaliya waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka Somaliya ee labada Gole, kuwaasi oo qayb ka ah xal raadinta Mushkilada ka taagan Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Wasiirka ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan masuuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyihii diiday xil ka qaadista Dabageed.

Xiisada ka taagan Magaalada Baledweyne ayaa maalmahan sii daba dheeraatay, maadaama wali Gudoomiyihii xilka laga qaaday uu diidan yahay inuu xilkaasi wareejiyo.

Faallooyin