Ammaanka Kismaayo oo soo xumaanaya iyo Sarkaal Boolis oo xalay lagu dilay Magaaladaasi

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa maalmahan dambe wuxuu noqday mid soo xumaanaya, iyadoo xilliyada habeenkii ah ay ka dhacayaan falal dilal qorsheysan oo ay gaysanayaan dabley hubaysan.

Xalay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Jubbaland, kaasi oo lagu dilay meel ku dhaw Koontarool Ciidamada Booliska gaadiidka ay ku baaraan.

Dableydii dilkaasi gaysatay ayaa ka baxsatay goobta, mana jirin cid gacanta ku soo dhigtay kooxdaasi.

Ammaanka Magaalada ayaa u muuqda mid sii xumaanaya, iyadoo habeen hore Magaalada lagu dilay nin Nabadoon ahaa.

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa xilliyada habeenkii ah hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo waxa ay ka sameeyaan gudaha Magaalada Kismaayo.

Faallooyin