Madaxweyne Farmaajo oo Agaasime Ku xigeenka Madaxtooyadda u magacaabay Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa magacaabay Agaasime Ku xigeenka Madaxtooyadda Villa Somaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loogu magacaabay Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Magacaabistaan ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan Madaxweynaha Somaliya uu isbedel ku sameeyay Agaasinkii Madaxtooyada kadib markii Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda laga dhigay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Faallooyin