Madaxweyne Farmaajo oo Guddi u xil saaray baarista dagaalkii lagu dilay Taliyihii Booliska Hiiraan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Guddi baaris ah u xil saaray dagaalkii shalay uu ku dhintay Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane.

Guddiga Madaxweynaha uu magacaabay, ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliya, sidoo kalena waxaa qayb ka ah Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya.

Guddigan ayaa laga sugayaa inay warbixin rasmi ah ka keenaan, sida uu ku dhacay dagaalkaasi sababay geerida Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya Bashiir Maxamed Jaamac oo Saxaafadda la hadlay ayaa faah faahiyay Guddiga maanta loo xil saaray shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Baledweyne.

“Sidoo kale waxaa dhacday in shalay Degmada Baledweyne ay ka dhacday israsaaseyn, taas oo qayb ka yihiin Ciidanka Xoogga dalka, Ciidanka Booliska & Ciidanka Sirdoonka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya ayaa maanta magacaabay Guddi aan aniga Gudoomiye ka ahay, sidoo kalena Xeer ilaalinta maxkamadda ay qayb ka tahay & xubno kale, taasi iyadana aan ku sameyn doono baaris, sababtoo ah meeshaas waxaa ku dhintay Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska, waxaa kale oo ku dhaawacmay Saraakiil kale.”

Faallooyin