Maxkamadda Ciidamada oo lagu wareejiyay baaritaankii ka dhashay Iska horimaad Xamar weyne ka dhacay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa lagu wareejiyay baaritaankii ka dhashay Iska hor imaad labadii Bishan ka dhacay Degmada Xamar weyne ee Gobolkaan Banaadir.

Sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliya Bashiir Maxamed Jaamac Goobe, waxaa iska hor imaadkaasi ku dhintay qof shacab ah & askari ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya, iyadoo uu ku dhaawacmay Sarkaal kale & dad shacab ah.

Kiiskaasi ayaa Madaxweynaha Somaliya wuxuu u xilsaaray Guddi Baaris ah oo Gudoomiye looga dhigay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya Bashiir Goobe maxkamadda Ciidamada qalabka sida ku wareejiyay baaritaanka kiiskaasi laga sameeyay.

“Labadii Bishan Xamar weyne waxaa ka dhacay israsaaseyn qof shacab ah ku dhintay & askari ka tirsan Ciidamada Xoogga, waxaa kale oo ku dhaawacmay askar ka tirsan Ciidamada Xoogga, Ciidanka Booliska & Shacab, Madaxweynaha wuxuu wareegto ka soo saaray Guddi arrintaas baara oo xaqiiqadeeda ogaada, Guddigaasi oo aan aniga Gudoomiye u ahay, Muddo dheer aan baaris sameynay kadib aaqirkii waxaan soo gaarnay gun gaarkii, wax alle wixii ka soo baxay waxaan ku wareejinaynaa maxkamadda Ciidamada Qalabka.” Ayuu yiri Bashiir Goobe.

Iska horimaadkii ka dhacay Degmada Xamar weyne oo ku beegnayd dabaqayaadii Bishii Ramadaan, ayaa Saraakiisha Booliska waxa ay ku sheegeen in lagu dilay rag burcad ahaa oo Ciidanka ka tirsanaa, kuwaasi oo dhac gaysanaayay.

Faallooyin