Banaanbax lagu taageeraayo Gudoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Dabageed oo Baledweyne ka socda

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa Magaaladaasi ka socda Banaanbax ay sameynayaan qaar ka mid ah shacabka ku nool magaaladaasi.

Banaanbaxan ayaa wuxuu yahay mid lagu taageeraayo Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xil ka qaadista lagu sameeyay Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), waxaana looga soo horjeeda Madaxweynaha Hirshabelle.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay dhagxaan waaweyn ku  xireen wadooyinka qaar ee Magaalada Baladweyne, iyaga oo ku dhawaaqaya Erayo ay ku taageerayaan Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan.

Xiisada ka dhalatay xil ka qaadista Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, ayaa ka taagan magaalada Baledweyne, waxaana arrintaan ay noqotay mid sii cuslaatay.

Banaanbaxan ayaa ka socda Xaafadda ka mid ah magaalada Baledweyne, waxaana xaaladda ay tahay mid cakiran, marka loo eego xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Hiiraan.

Shacabka Banaanbaxa sameynaya ayaa ah taageerayaasha Yuusuf Dabageed Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan, balse diidan xil ka qaadistaasi.

Faallooyin