Ciidamada dowladda oo hawlgal ka dhan ah Shabaab ka sameeyay Gobolka Gedo

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Ururka 49-aad, Guutada 10-aad qeybta 43-aad ayaa hawlgallo ka sameeyay degaanno ka tirsan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Hawlgalladan ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxa ay sheegeen inay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay horay ugu sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad, Dhamme, Cali Maxamed Xasan, ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka saareen deegaano ka tirsan degmada  Baardheere ee dhaca Webiga labadiisa geddi.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in howlgalladan ay soo socdeen illaa Tobankii dambe ee Bisha ramadaan, iyagoo Shabaab ka saaray 35 km oo isku weer ah, halkaas oo ay Maamuli jireen.

Howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka waxaa ay sheegeen in si isku mid ah ugu socdo Gobolada dalka oo dhan, waxaana horay ugu dhowaaqay madaxda ugu sarreeysa Dalka, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan.

Faallooyin