Gudoomiyihii Gobolka Mudug oo ka soo horjeestay xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweyne Xaaf

Kadib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle, uu xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa xilka qaadistaasi waxaa ka soo horjeestay Gudoomiyaha xilka laga qaaday.

Cabdi Rashiid Xaashi oo ah Gudoomiyihii xilka laga qaaday, ayaa isaga oo Warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, wuxuu sheegay inuu ka soo horjeedo xil ka qaadistaasi lagu sameeyay. 

Waxa uu sheegay marka hore inuusan arkin warqadda xilka looga qaaday, balse uu ka arkay kaliya baraha Bulshada, islamarkaana shacabka Gobolka Mudug ee Galmudug arrintaasi si wayn uga soo horjeedaan. 

“Shacabka ku nool Gobolka Mudug & Odayaasha Dhaqanka ayaa wadatashi u fariistay, wadatashigaasi waxaa ka soo baxay in xil ka qaadistaasi ay tahay arrin sharcidaro ah, islamarkaana illaa hadda aanan la garaneyn waxa ay ku timid arrintaasi, Madaxweyne Xaaf xilligaan wuxuu ku jiraa marxalad kala guur ah.” Ayuu yiri Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee xil ka qaadista lagu sameeyay.

Waa Gudoomiyihii labaad ee Gobol oo xil ka qaadis lagu sameeyo ka soo horjeesto, iyadoo ay xusid mudan tahay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle isagana shalay inuu ka soo horjeestay xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweyne Waare.

Faallooyin