Madaxweynaha Galmudug oo sheegay sanad inuusan tagin Muqdisho, Cadaadana diyaarad uu ku dulmaro

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay dhalinyaro kula hadlaayay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in culeys siyaasadeed uu saaran yahay Maamulkiisa.

Waxa uu sheegay in aan muddo sanad ah tagin Magaalada Muqdisho oo uu degan yahay, halka Magaalada Cadaado oo ah Xarunta Baarlamaanka Galmudug uu diyaarad ku dulmaro.

Sababta ka hor taagan Magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado waxa uu ku sheegay in culeys siyaasadeed uu saaran yahay, isaga oo tibaaxay in uu wado qorshe uu isugu tashanayo.

 “Culeys badan ayaa na haysta waad ogtihiin, waana iska caabineynaa, dadka naga soo horjeeda walaahi ma rabaan wanaageena, halkaan markii aan imaaneynay wax badan ayaan dhagax dhignay, wax soo laabtayna ma aydaan arkin, mana arki doontaan, wax badan ayaa jira hal sano, aniga xittaa gurigeyga ma tagin xamar ma tagin, Cadaadana diyaarad ayaan ku dulmaraa, cidina Galmudug nagu gumaysan maydo.” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Maamulka Galmudug & Dowladda Federalka Somaliya xiriirka ka dhaxeeya ayaanan wanaagsaneyn, waxaana jirta culeesaad badan oo haysta Maamulkaasi xilli laba dhinac uu u kala qaybsan yahay maamulka.

Faallooyin