Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ka hor yimid xil ka qaadistii lagu sameeyay

Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xil ka qaadista lagu sameeyay Yuusuf Axmed Hagar ayaa si cad uga soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle.

Waxa uu sheegay Dastuurka Hirshabelle inuu dhigaayo Madaxweynaha oo dalka ka maqan inuusan sameyn karin xil ka qaadis.

“Qodobka 58aad ee Dastuurka Hirshabeelle, Madaxweynaha awooddiisa wuu tilmaamaa wuxuu sheegayaa, haddii dalka ka maqan yahay, wuxuu bedeli karo ama magacaabi karo ma jiro”ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo intaa ku daray in Madaxweyne Waare uu ku sugan yahay magaalada Nairobi.

Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday ayaa sheegay dowladda Federalka Somaliya in loo baahan yahay inay soo farageliso Khilaafka ka taagan Gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay inta khilaafkaasi laga xalinaayo wax wada shaqeyn inaysan la yeelanayn Maamulka Hirshabelle.

“Aniga waxaa meesha ku imid talada dowladda Federaalka, illaa dowladda Soomaaliyeed faragelin ka soo sameyneyso arrinta Gobolka Hiiraan, wax wada shaqeyn iyo xiriir ay la sameynayaan ma jirto dadka reer Hiiraan”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Faallooyin