Maydka Wiil dhalinyaro oo jirkiisa rasaas ka muuqatay oo lagu arkay deegaanka Waydow

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Waydow ee duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho, waxaa halkaasi lagu arkay maydka wiil dhalinyaro ahaay.

Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa jirkiisa gaar ahaan qaybta sare waxaa ka muuqatay rasaas lagu dilay, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen xalay waqti dambe dilka wiilkaan inuu dhacay.

Wararka waxa ay sheegayaan in dabley hubaysan xalay saqdii dhexe ay dileen, kadibna isaga oo dhaawac liita meesha ay uga tageen sidaasina uu ku dhintay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen taaha wiilka xilliga xabadaha ay dhacayeen, balse ay ka cabsoodeen inay gurmad u fidiyaan.

“Xabadaha waan maqleynay, kadib nimanka markii ay tageen waxaan maqalnay cabaadka ninka xabadaha lagu dhuftay anaga banaanka uma bixin waan cabsoonay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Illaa hadda lama garanaayo cida ka dambeysay dilkaasi loo gaystay wiilka dhalinyarada ah, iyadoo masuuliyiinta deegaanka Waydow wali arrintaan aysan ka hadlin.

 

Faallooyin